Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa saaka gaaray magaalada Muqdisho.

Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid waxa Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta Madaxtinimada Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid oo warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa sheegay dhaliilay sida ay ku socoto doorashada dalka.

Wuxu sheegay in uu Muqdisho u tegay wada-tashiyo ku saabsan Arrimaha doorashada si loo hagaajiyo nidaamka doorashada oo uu ku tilmaamay mid qaldan.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this