Deeq A. Posted December 2, 2021 Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa habeenimadii arbacada sheegtay in hawgal ay sameeyeen Muqdisho ku dileen ilaa 12 ka tirsan Al-shabaab. Qoraal ay hey’adda soo dhigtay barteeda ayey ku sheegtay sidan “Hawgal gaar ayaa caawa lagu beegsaday 15 sarkaal oo Maafiyada AS u qaabilsanaa khalkhal-gelinta amniga caasimadda Muqdisho. Waxaa ku dhintay 12 ka mid ah argigixisada” NISA ma sheegin deegaannada Muqdisho ay sida gaarka ah uga fuliyeen hawlgalka, laakin arrinkan ayaa kusoo aadeysa iyada oo xilliga doorashada uu amniga faraha ka baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites