Sign in to follow this  
Deeq A.

Beledweyne: Caruur ku geeriyootay hoobiye ku dhacay gurigooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Baladweyne ayaa sheegaya in Sadex caruur ah oo ka wada tirsan Hal qoys ay ku dhinteen labo kalena ku dhaawacmeen kadib markii Hoobiye ku dhacey gurigooda.

Hoobiyahaas ayaa la rumeysan yahay iney soo tuureen dabley ka tirsan Al shabaab oo Xalay weerar ku soo qaadey xeryo ciidan ee ku yaal Galbeedka magaalada Baladweyne.

Al shabaab ayaa werarkaan la beegsatey xeryaha ciidamada AMISOM dagaal socdey muddo kooban kadib markii ciidmaada nabad ilaalinta ay shalay howlgalo ka sameeyeen galbeedka magaaladas.

Dhinaca kale NISA ayaa sheegtey in howlgalo ay ka fulisay Muqdisho ku dileen xubno ka tirsan Al Shabab.

Qoraal kooban ay soo dhigeen baraha bulshada ayay ku sheegeen iney dileen 12 ka tirsan kooxda Al shabaab dileen kuwaas ay sheegeen iney ka shaqeynayeen khalkhal galinta magaalo madaxda.

PUNTLAND POST

The post Beledweyne: Caruur ku geeriyootay hoobiye ku dhacay gurigooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this