Sign in to follow this  
Deeq A.

Diinta maxay ka qabtaa in Dumarka meherkooda ka dhigaan ninka oon xaas kale la guursan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Diinta maxay ka qabtaa in Dumarka meherkooda ka dhigaan ninka oon xaas kale la guursan?

Aroos

Haddii aad ka mid tahay dadka isticmaala baraha bulshada waxaa laga yaabaa inaad aragtay ama maqashay sheeko la sheegay in ay Hargaysa ka dhacday oo tibaaxaysa in haweenay ay meherkeeda ka dhigtay in ninkeeda cusub uusan xaas kale la guursanin.

Inkasta oo markii lammaanahan ay BBC-du la xiriirtay ay gebi ahaanba beeniyeen in ay arrintani jirto, ayaa haddane waxaa ka dhashay su’aallo diini ah oo soo noqnoqday, kuwaas oo ku saabsan sideedaba waxyaabaha ay diinta ka qabto meherka ay gabadha xaqa ugu leedahay ninkeeda.

Ragga Muslimiinta ah waxay diintu oggoshahay in ay guursadaan ilaa 4 xaas haddii ay asoo baxaan shuruudaha looga baahan yahay.

Aroos

Horay waxaa Soomaalida isticmaala baraha bulshada hadal heyn baaxad leh uga dhaliyay nin soo bandhigay afar xaas oo uu isla qabo, kuwaasoo uu sheegay in ay dhammaantood isku wada faraxsan yihiin, oo howlaha reerka isku caawiyaan.

Maxay diintu ka qabtaa arrintan?

Sheekadan cusub ee hadal haynta dhalisay ayay ka dhasheen suaalo ay dadka isweeydiinayaan inay diin ahaan sax tahay iyo in kale.

Sheekh Cabdullaahi Muxumad Yarow (Naxoow) oo ka mid ah culimada wax kusoo bartay Jaamacadda Madiina, ayaa BBC-da u sheegay in diin ahaan aysan wax dhib ah lahayn in ninku uu xaaskiisa la galo heshiis noocaasoo kale ah.

“Ninku inuu 1 xaas iyo ilaa 4 xaasba isla guursado hal mar, haddii uu shuruudaheeda kasoo baxo, waa xaq uu Alle siiyay, wuu sameyn karaa wuuna iska dhaafi karaa,” ayuu yiri.

 

Dr Cabdullaahi Muxumad Yarow
Dr Cabdullaahi Muxumad Yarow

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Wuu ka tanaasuli karaa xaqiisii ahaa inuu xaas labaad guursado wax dhib ahna ma laha oo waa wax uu iska deyn karo ama sameyn karo. Waxa ay labada qof ku heshiiyeen haddii aysan ahayd arrin ka hor imaaneysa diinta ama cibaadada waxba kuma jabna.”

“Waxaan la oggoleyn in qofka lagu xiro shuruudo diintiisa dhaawacaya sida in la dhoho salaadda ha tukanin ama wax kale oo waajib ku ah.”

Sheekh ayaa intaas ku daray in dhanka kale loo baahan yahay ballamaha ay dadka Muslimiinta ah galaan in sidooda loo fuliyo.

“Fulinta ballanta iyo waxa lagu heshiiyay waa arrin muhiim ah, waa al Muslimuuna calaa shuruudhihim [Muslimiinta waxaa waajib ku ah inay fuliyaan waxa ay ku heshiiyeen].”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this