Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: NISA oo Muqdisho ku dishay 12 xubnood oo ‘Al-Shabaab ah’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kooban oo hey’adda NISA ay ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in 12 xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ay caawa Muqdisho ku dileen ciidamada ammaanka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in bartilmaameedku ahaa 15 xubnood oo Shabaab ah, balse la dilay 12 ka mid ah ragaas. 

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo  Maafiyada AS u qaabilsanaa  khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran  ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hey’addu qoraalkan kuma cadeyn goobta rasmiga ah ee uu ka dhacay howlgalkaan lagu dilay 12 qof, markii laga reebo in la xusay in howlgalku ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qoraalka NISA laguma kala cadeyn in la qabtay iyo inay baxsadeen 3-dii xubnood ee kale, maadaama qoraalkaan lagu sheegay in la dilay 12-xubnood oo ka mid ahaa 15 Shabaab ah oo la bartilmaameedsanayey.

Ma jirto ilaa hadda cid ka madax-bannaan NISA oo xaqiijisay dilka 12-kaas Shabaabka ah, sidoo kale weli lama ogaan halka uu ka dhacay howlgalkaan ay shaacisay NISA.

The post DEG DEG: NISA oo Muqdisho ku dishay 12 xubnood oo ‘Al-Shabaab ah’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this