Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo ku sugan Jiida hore ee Dagaalka Kililka Canfarta ayaa baaq u diray Jabhada TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Abiy Axmed oo ku sugan Jiida hore ee Dagaalka Kililka Canfarta ayaa baaq u diray Jabhada TPLF

Abiy Axmed oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ee gobolka Cafarta
Abiy Axmed oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ee gobolka Cafarta

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ka dalbaday fallaagada Tigreega inay isi soo dhiibaan isagoo ku dooday in xoogagga dowladda ay qarka u saaran yihiin guul inay collaada ka gaaraan isbuuc ka dib markii uu wacad ku maray inuu safka hore ee dagaalka iska xaadirin doono.

“Dhallinyaradii Tigray, waxay u daadanayaan sidii caleemihii geedka. Way ogyihiin inaysan guul arki doonin. Waxaa hoggaaminaya mid bilaa hadaf ah,” ayuu yiri Abiy.

Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda sanaddii 2019 ayaa hadalkan ka sheegay fariin laga baahiyay warbaahinta dowladda.

” Waa in aad is dhiibtaan maanta oo isu dhiibtaan ciidammada difaaca qaranka, ciidammada gaarka ah, maleeshiyaadka inala shaqeeya ama shacabkaba”

Muuqaalkan soo baxay maanta ayaa ahaa kii ug dambeeyay muuqaallo taxane ah oo uu Abiy ka so dirayay jiidda hore ee dagaalka isagoo ku lebbisan dhar milatari kuna sugan gobolka waqooyi bari ee Afarta.

Waxaa aagaasi ka socday dagaallo xooggan isbuucyadii la soo dhaafay iyadoo fallaagada TPLF ay isku dayayaan inay la wareegaan wadooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi ku xira caasimadda Addis Ababa.

Axaddii, warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in ciidammada ay la wareegeen magaalada goblka Afarta ku taalla ee Chifra. Abiy ayaa sheegay in ciidammadiisa ay hadda u ruqaansanayaan dhinaca gobolka Amxaarada.

Abiy oo horay u ahaa corneel ciidammada ka tirsan ayaa sheegay inuu safka hore aadi doono ka dib markii ay fallaagada TPLF la wareegtay magaalada Shewa Robit oo 220 km uun jirta caasimadda itoobiya.

Saraakiisha TPLF waxay dhawaan baahiyeen muuqaallo lagu soo duubay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka kaas ku saabsan kumanaan maxaabiis ah oo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ay soo qabteen. waxay sheegeen inay si wadaan guulaha ay ka gaarayaan dagaalka isla markaana ay haatan ku wajahn yihiin caasimadda.

Laakiin qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa ka digaya in ciidamada Tigrayga laga yaabo in aysan isku toosneyn, una nugul yihiin weerarro roggaal celis ah iyo weerar ay suurtagal tahay in uga yimaado dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this