Sign in to follow this  
Deeq A.

C/casiis Lafta Gareen oo saddex arimood u tegaya magaalada KISMAAYO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta kusii jeeda magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka.

Ilo ku dhow madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa innoo xaqiijiyey in madaxweyne Lafta Gareen saacadaha soo socda uu gaari doono Kismaayo, si uu wada-hadallo ula yeesho dhiggiisa dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qaban qaabada soo dhowenta madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlaya xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha doorashada Golaha Shacabka ee haatan ka socota gudaha dalka, taas oo Koonfur Galbeed ay ku billowday ilaa 11 xildhibaan halka Jubbaland ay haatan guda-geli doonto doorashada.

Sidoo kale waxa ay labada hoggaamiye kulankooda diiradda ku saari doonaan ammaanka iyo abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ay leeyihiin labada mas’uul ayaa kusoo aadayo, iyada oo si aad ah la’isugu hayo doorashada baarlamaanka oo ay cabasho weyn ka keeneen xubnaha mucaaradka.

Axmed Madoobe ayaa horay u tegay magaalada Garoowe, isaga oo maalmo badan lasoo qaatay dhiggiisa Puntland, madaxweyne Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo si gaar ah uga arrinsadeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaab doorashada Soomaaliya.

Si kastaba, maamul goboleedyada dalka ayaa haatan isha lagu wada hayaa, maadaama ay ka bilaabatay doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha.

The post C/casiis Lafta Gareen oo saddex arimood u tegaya magaalada KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this