Deeq A. Posted November 30, 2021 Dablay ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaaday Saldhigyada Ciidamada Itoobiya & kuwa Booliska Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo. Weerarka madaafiic ah oo jugtooda ayaa laga maqlay Magaalada Baydhabo waxaana la sheegay in ciidamada Itoobiya dhankooda ay madaafiic kale uga jawaabeen weerarka lagu soo qaaday. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay sidoo kale weerar toos ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ku leeyihiin Suuqa Xoolaha Magaalada Baydhabo. Khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadkaas yaan weli faahfaahin sugan laga helin. PUNTLAND POST The post Weerarka ka dhacay magaalada Baydhaba appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites