Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarka ka dhacay magaalada Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Dablay ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaaday Saldhigyada Ciidamada Itoobiya & kuwa Booliska Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Weerarka madaafiic ah oo jugtooda ayaa laga maqlay Magaalada Baydhabo waxaana la sheegay in ciidamada Itoobiya dhankooda ay madaafiic kale uga jawaabeen weerarka lagu soo qaaday.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay sidoo kale weerar toos ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ku leeyihiin Suuqa Xoolaha Magaalada Baydhabo.

Khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadkaas yaan weli faahfaahin sugan laga helin.

PUNTLAND POST

The post Weerarka ka dhacay magaalada Baydhaba appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this