Sign in to follow this  
Deeq A.

Lionel Messi Oo Markii 7aad Ku Guuleystey Abaalmarnta Ballon D’or

Recommended Posts

Deeq A.   

Weeraryahanka kooxda Paris St-Germain iyo xulka qaranka Argentina Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or – oo la guddoonsiiyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa kubbadda cagta sannadka – waana markii toddobaad ee uu ku guuleysto abaalmarintan.

Messi oo 34 jir ah ayaa ka caawiyay dalkiisa inay ku guulaystaan ​​Copa America,wuxuuna u dhaliyay 40 gool 2021 – 28 gool Barcelona, ​​afar waxa uu u dhaliyay Paris St-Germain iyo sideed gool oo xulka Argentina uu u dhaliyay.

Weeraryahanka Bayern Munich iyo Poland Robert Lewandowski ayaa soo galay kaalinta labaad, waxaana kaalinta seddexaad galay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea iyo Italy Jorginho, waxaana kaalinta afaraad galay weeraryahanka Faransiiska ee Real Madrid Karim Benzema.

Abaalmarinta Ballon d’Or waxaa u codeeya 180 saxafi oo ka kala socda daafaha caalamka, in kasta oo ayna jirin wax abaal-marin ah sannadka 2020 sababo la xidhiidha cudurka faafa ee coronavirus.

Messi iyo Cristiano Ronaldo midkood ayaa abaal-marintan ururin jiray ku guuleystey sannad walba laga bilaabo 2008 ilaa 2019, marka laga reebo 2018 oo uu ku guulaystay xiddiga khadka dhexe ee Croatia Luka Modric.

Messi ayaa hore ugu guuleystay abaalmarintan sannadihii 2009, 2010, 2011, 2012, 2015 iyo 2019.

“Waa wax cajiib ah inaan halkan mar kale joogo,” ayuu ka sheegay xafladda, oo lagu qabtay Tiyaatarka Paris du Chatelet.

“Laba sanno ka hor waxaan u maleeyay inay ahayd markii ugu dambeysay, dadku waxay bilaabeen inay i weydiiyaan goorta aan shaqada ka fadhiisanayo, laakiin hadda waxaan joogaa Paris, aad ayaana u faraxsanahay.

“Waxay ii tahay sannad qaas ah oo aan ku qaaday koobkan Copa America, wax badan ayay iga dhigan tahay inaan [1-0 kaga badiyay Brazil finalkii] garoonka Maracana, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la dabaaldego dadka Argentina.

Goolhayaha Paris St-Germain ee Gianluigi Donnarumma, oo Talyaaniga ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​Euro 2020, ayaa ku guuleystay abaalmarinta Yashin Trophy ee goolhayaha ugu fiican, halka kooxda ku guuleysatay Champions League ee Chelsea loo magacaabay kooxda sannadka.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Pedri, oo 19 jir ah, ayaa ku guuleystay abaalmarinta Kopa Trophy ee ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee da’doodu ay ka hooseyso 21 jir, iyadoo ciyaartoyda England ee Jude Bellingham, Mason Greenwood iyo Bukayo Saka ay kala galeen kaalinta labaad, shanaad iyo lixaad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this