Sign in to follow this  
Deeq A.

WHO Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Nooca Cusub Ee Korona Ee Caalamka Argagaxa Geliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha caafimaadka WHO ayaa sheegtay in feyraska cusub ee Karoona ee Omicron uu halis ku hayo caalamka xilli ay isa soo tarayaan kiisaska cudurkan.

Ha’yadda waxay sheegtay in feyraskan cusub uu dhibaata daran ku reebi kara gobollada qaar.

Madaxa WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa soo jeediyay baaq hor leh oo ku aadan in dalalka saboolka ah la gaadhsiiyo tallaalka lagaga hortaggayo cudurka.

Wuxuu ka digay in weli aanu dunida ka dhammaanin cudurka Covid-19.

Feyraskan cusub ayaa horraantii bishan laga helay dalka Koonfur Afrika, caddeymaha waxay muujinayaan in si xooggan uu faafi karo cudurka.

Koonfur Afrika waxaa lagu ammaanay sida deg deg ah ay usoo tebisay kiisaska.

“Feyraska Omicron isbaddalo aan hore loo arag ayuu sameeyaa, qaarkood waa kuwa walaac leh” ayay tidhi WHO.

Nooca cusub ee cudurka Covid-19 ee laga helay dunida ayaa ah mid isbaddalayo oo xitaa mid kamid ah seynisyahanada wuxuu ku tilmaamay ‘mid argagax leh’ halka khuburrada qaar ay sheegayaan in uu yahay kii ugu xumaa abid ee la arko.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this