Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada-hadal Si Yaab Leh Ku Dhammaaday Oo Taleefon Ku Dhexmaray Ilhaan Cumar Iyo Boebert Ka Dib Markii Ay Boebert Diiday Inay Raali-gelin Bixiso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wada-hadal taleefon oo dhex maray Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Lauren Boebert oo Jamhuuri ah ayaa ku dhammaaday buuq kadib markii Boebert ay diiday inay si cad raali-gelin uga bixiso inay Ilhaan ku tilmaamtay halis.

Boebert ayaa dirtay taleefonka kadib markii uu soo shaac-baxay muuqaal ay Ilhaan Cumar, oo Muslim ah, ugu yeedhay inay xubin ka tahay “kooxda jihaadka.”

Muuqaalka ayaa muujiyey Lauren Boebert oo leh “Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda jihaadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.”

“Xubintan ayaa loo ogolaaday inay ka mid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaaneysa argagixisada,” ayey tidhi Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda kahor Ilhaan Cumar ugu yeedhay “xubin sharafeed ka tirsan Xamas.”

Boebert ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku raali-gelisay “qof kasta oo ka mid ah bulshada Muslimka ee ay dhaawaceen hadalladeeda.”

Hase yeeshee, Boebert ayaan Isniintii muujin wax astaan dib isu qabasho ah, ayada oo soo saartay muuqaal ay ku qeexeyso wada-hadalkii telefoonka ee ay la yeelatay Ilhaan, waxayna laba jibaartay hadalladeedii hore.

“Ha qaldamin, waxaan sii wadi doonaa inaan si cabsi la’aan ah uga dhigo America waxa koowaad, marna aan u calool dabcin argagixisada. Nasiib darro, Ilhaan sidaas oo kale ma odhan karto, dalkeenuna taasi waa u daran tahay,” ayey tidhi Boebert.

Ilhaan Cumar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fileysay raali-gelin.

“Intii ay raali-gelin ka bixin laheyd hadalladeeda Islaam naceybka ah iyo beenta ay abuurtay, Boebert waxay diiday inay si shaacsan u qirato hadalladeeda halista iyo naceybka ah. Waxay taa beddelkeed laba jibaartay hadalladeeda, anigana waxaan go’aansaday inaan dhammeeyo taleefonkii aan midho-dhalka aheyn,” ayey tidhi Ilhaan.

Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka

Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo kaga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this