Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Ganacsiga Puntland oo laga xayuubiyay Awooddii kala dirista Rugta Ganacsiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadhiga 15-aad ee Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa maanta lagu ansixiyay Wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershada Puntland.

Baarlamanka ayaa Wasiirka Ganacsiga ka xayuubiyay Awooddii kala dirista Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha oo muran xooggan ka taagnaa cidda xaqa u leh.

Dhammaan 39 mudane oo fadhiyay Kulankii maanta ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershada Puntland.

Ansixinta Wax-ka beddelka Xeerkan ayaa meesha ka saaraysa in Wasiirka Ganacsigu kala diri karo Rugta waxaana haatan Awooddaas leh Madaxweynaha ama Madaxweyne ku xigeenka markii uu ku-sime yahay.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Ganacsiga Puntland oo laga xayuubiyay Awooddii kala dirista Rugta Ganacsiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this