Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimaha hay’adda PSF oo amar degdeg ah siiyay Ciidanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha hay’adda PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano oo saaka khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan Ciidanka ayaa ku amray in aysan wax xabbad ah ku ridin magaalada, sida ay Puntland Post u sheegeen saraakiil ciidan.

Saraakiisha ayaa ka soo xigtay Agaasime, Maxamuud Cismaaan Diyaano in aysan jirin wax xiisad dagaal ah oo ka aloosan Boosaaso, isagoo arrinta taagan ku tilmaamay mid iska dhammaanaysa.

Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in Agaasimuhu ku amray in ay ka baxaan difaacyada qodan, islamarkaana si caadiya u wataan shaqadooda ciidanimo.

Agaasimuhu kama hadlin wax ku saabsan xilka qaadistiistii lagu sameeyay iyo haddii uu xilka wareejinayo midna.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in Ciidanka PSF ay ka baxeen dhufayso u qodnaa oo ay si caadiya ugu laabteen xarumahooda.

PUNTLAND POST

The post Agaasimaha hay’adda PSF oo amar degdeg ah siiyay Ciidanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this