Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo kordhay xaaladda Boosaaso?

Recommended Posts

Deeq A.   

Is-marin-waaga ka dhashay xilka qaadistii Agaasimaha PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa weli ka taagan Boosaaso.

Labada dhinac ee muranka u dhexeeyo, midna ma bixinayo xog sugan oo ku saabsan xaaladda taagan, islamarkaana warbaahintu kuma kalsoona dhinac kasta warka uu soo dusinayo.

Waxa keliya oo labada dhinac ka midaysan yihiin in aysan doonayn xabbad ka dhacda Boosaaso.

Sida la xaqiijiyay, saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa todobaadkan imaanaya Caasimadda Garoowe.

Saraakiishaas waxay kulan gaar ah la yeelan doonaan Madaxweyne Siciid Deni, oo ay kala hadli doonaan xiisadda jirta, kadibna waxay u gudbayaan dhinaca Boosaaso, si ay ula kulmaan saraakiisha hay’adda PSF.

Sidoo kale, dhammaadka todobaadkan ayaa la filaya in Madaxweyne Siciid Deni uu Boosaaso ku tego safar aan la sii shaacin oo la xiriira xiisadda ka jirta magaalada.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka soo kordhay xaaladda Boosaaso? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this