Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo soo gaaray Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16380233830102611.jpg?resize=720%

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxaan garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhaweynta kadib madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubaland ayaa madaxtooyada Garowe kulan kula qaatay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani, waxaana ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, xubno ka mid ah goleyaasha dowladda Puntland iyo wafdi la socday Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland.

FB_IMG_16380234064611364.jpg?resize=720%

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sida warar madax bannaan sheegayaan Garowe u yimid arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya oo daba socdaa kulamadii ay dhawaan yeesheen madaxda Puntland iyo Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo soo gaaray Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this