Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Burhaan oo ka horyimid in Awood Ciidan lagu muquuniyo PSF

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka horyimid in dowladdu Awood Ciidan ku muquuniso hay’adda PSF.

Boqor Burhaan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in dagaal looga jawaabo xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso.

Xiisadda Boosaaso ayaa ka dhalatay kadib markii Madaxweyne Siciid Deni uu xilka qaadis ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano kaas oo ka horyimid Xilka qaadista.

Qaar kamid ah Isimada Puntland oo Boqorka weheliyay ayaa dhankooda ku baaqay in Nabadda lagu dadaalo islamarkaan wada-hadal lagu dhammeeyo xiisadda taagan.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Boqorka

PUNTLAND POST

The post Boqor Burhaan oo ka horyimid in Awood Ciidan lagu muquuniyo PSF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this