Sign in to follow this  
Deeq A.

Orodyahan caan ah oo shaaciyey inuu ku biirayo Jiidda hore ee Dagaalka ka socda Gudaha Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Orodyahan caan ah oo shaaciyey inuu ku biirayo Jiidda hore ee Dagaalka ka socda Gudaha Itoobiya
xayle.jpg

Orodyahanka caanka ah ee ka qeybgalay tartanka olimbikada ee adduunka ee u dhashay dalka Itoobiya Haile Gebrselassie ayaa shaaciyay in uu tegayo jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanada jabhadda ka dagaallanta gobolka Tigray.

Waxaa sidoo kale dagaalka ku biiraya Feyisa Lilesa oo ah orodyahan si weyn looga yaqaanno dalkaas oo sanadkii 2016-kii ka qeygbalay tartankii orodka ee ka socday Brazil kaas soo bandhigay astaantii ay ku caan baxeen dadkii Oromada ee waday dibadbaxadii ka dhanka ahaa dowladda Itoobiya, wuxuu ka carooday sida dowladda ay ula dhaqatay dadka Oromada.

Sidoo kale dad caan ah oo u dhashay Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay ka qeybgalayaan dagaalka xilli kooxaha fallaagada ay sheegayaan inay kusii sii siqayaan dhinaca Addis Ababa.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli baraha bulshada lagu arkay sawirro muujinayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku labisan dareeska militeriga oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo gaar ah.

Ma kala cadda in Abiy Axmed uu tegay jiidda hore ee dagaalka, BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto warkaas.

Ergeyga Midowga Afrika ee gobolka, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay inay jirto fursadda yar oo lagu wadahali karo.

Maamulka Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka inay diiwaan geliyaan hubka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this