Deeq A. Posted November 22, 2021 Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadii 4-aad oo ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo muddo Lix bilood ah tababar ku qaatay Dugsiga tababarka Ciidamada ee Xorgoble. Madaxweynaha Puntland ayaa u hambalyeeyay Ciidamada maanta tababarka dhameystay, waxaana uu kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkooda ay ugu shaqeeyaan casharadii iyo tababarkii ay qaateen, iyagoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya sugida amniga iyo la dagaalanka maan dooriyaha. Ciidamada Booliska ah ee maanta tababarka loo soo xiray oo ka badan 700 oo askari oo isugu jira wiilal iyo gabdho qeybtood aqoon Jaamacadeed leeyihiin, waxay ka kala yimaadeen gobolada Puntland waana dufacadii 4-aad oo Ciidamo Boolis ah ee ay dowladda madaxweyne Deni soo saarto. PUNTLAND POST The post Deni oo tababar u xiray 700 oo ka tirsan Booliska Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites