Sign in to follow this  
CARTAN

CAASHAQA GODLADEY (Hees)

Recommended Posts

CARTAN   

Waa idin salaamay dhalinta Godka iyo Geeljire intaba...

Heestani waxay xambaarsan tahay macne iyo sheeko culus. Heestu waxay tusaale

fiican ka bixinaysaa sidii ay waayadaii hore dhallinyarada soomaaliyeed oo miyiga ku nooli isu raadsan jireen.Iyadoo laysu gudayo, gudcur iyo khatarna laysu

dhex jeexayo. Haasaawe dheer oo habeenno badan qaata dabadeed ayaa marka lays

af garto habeen madow la isla guurayn jirey. Heesta waxaa qaada fannaanka

Xassan Aadan Samatar. Waxaana la sheegay curiyihii heesta sameeyey inuu kaga

hadalayey arrin run ah oo isaga ku dhacday. Nasiib darro ma haynno curiyaha

magaciisa.ciddii haysa, Fadlan!

Waa tan heestii:

 

xalay gelin dhexaadkii

mar aan mayrac guuraha

sheedda guriga faallaley

oon himilo gaariyo

dayaxoon galsho lahayn

ilayskiisa galalacy

sida goonni daaq cawl

gaaf meeray socodkii

 

oon guudka laaniyo

mililicay gob weynoo

midba goonni laamaha

rucub midha guduuttiyo

gad gaddoonka raamuhu

dhexda geri garaaraha

hadba gees u liicaan

 

oon weli gar eexaad

lagu niqin guntiisoo

gudin nabar u yeeshiyo

gacan cadow ku dhicinoo

oon halaq galeen iyo

inna godad lahaynoo

gardhadiyo caleemaha

aanay haaddu goyn karin

 

oon xididka gaarrani

dayrtoo gidaaddiyo

gu'la waayey aragoo

gunta rayska kula jira

oo hoos galbeedkiyo

hadhka gelinku bixiyaa

neecaw gaar ah leeyiin

 

oo meel gabboodiyo

saba guri ku yaalloo

leexa is galaashiyo

ufta garannug kiciyiyo

dabaylaha gilgilayaa

marna aanay goyn karin

 

kalgacayl i galay iyo

gocashada xasuustiyo

haybaddayda gudubtoo

naxariis indhuhu godol

baalashii is geliyeen

ayaa gadafka muuqaa

geed iiga dhigayee

illeyn araggu waa gabar

mase garanayee talo!

 

guurti yaa mari laa?

goob xarashada yaa

isagoon gilgila sugin

garta keligii niqi laa?

naftu gogo tiraabtee

googaala badanaa

gudbi weydey socodkee

ma god baa horteeda ah?

 

inan laba mid soo galo

sow ilama gudboonaan

geesi waaya aragii

danti kama guddoomee

sow ardaaga gurigeed

gaashaanka maan dhigan

 

sow ereya googo'an

gooli baadh kumaan oran

Guuleed ma joogaa?

 

guntanaha sarbeebta ah

sow maanay garanoo

kaftan dhiirri geliniyo

googaa ma oranoo

sheekadii igama gurin

oo gudasho xeer iyo

gaari camalladeedii

gogol iima soo dhigin

 

haasaawe guud oo

gardaadsaday jacayl iyo

sow barasha gaaroo

aannu libin ka gaarnaa

goobtaa kamuu dhalan

 

Laxawgaaa guntamey iyo

badhaxaa kasoo go'ay

qalbigii gudhnaayee

irmaanaaday galabtaa

 

gacma furan dhankaygee

Daalo geedeheedii

gani aan ka guray iyo

guntimooyin ubaxoo

xariir lagu ganeeyaan

kuu geliyey qoortee

deeq gacal ah weeyee

gobaad waxaad ku geysaa

boholyow aan qof ii gelin

geddii aan ku noolaa

giijiyoo xishoodkana

adiguna garaad badaneey

maanku kaama guuree

murti aan la goohiyo

gunno weeye keligaa

gabdho aad ka mudatee

geestaydan caashaqa

ka GODLADEY ha gaagixineey

Ka godladey ha gaagixin.....

...................

 

Waxaa ku deeqay: Keyse Cabdiraxmaan (Tokyo, Japan)

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this