Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha Xisbiga Waddani Maalintii 2aad+Xirsi oo loo doortay Gudoomiye,Lix ku-xigeen & Xilal kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Xirsi oo loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani

xirsi.jpg

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ee shanta Sanno ee soo socota ayaa waxa loo doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan,kaas oo ay ergadda shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI cod aqlabiyad ah ugu doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha shanta sanno ee soo socota ee Xisbiga WADDANI,waxaana u coddeeyey kun iyo laba boqol iyo shan iyo labaatan ergay 1,225,waxaana madasha fadhiyey 1240 Ergay, Cid la tartantayna ma jirin.

Sidoo kale waxaa la doortay ku-xigeenada kala ah:-

Marwo Milgo Maxamed Cilmi Sanbalooshe

Abiibakar Good

Axmed Xaaji Cabdillaahi Xamarji

Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye

Saleebaan Ducaale Jaamac

Xuseen Cabdi Boos

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI  ayaa  loo khadar Xuseen Cabdi

Jamaal Jamaac Xaamud ayaa loo ku-xigeenka Xoghayaha Guud

Muqaalka Guud ee Shirka Maalntii 2aad

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this