Sign in to follow this  
Deeq A.

Bilowga iyo dhammaadka doorashada Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal ayaa sheegay 24 Diseembar 2021 in ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay 16 Noofeembar 2021 in ay si rasmi ah u bilaaban doonaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa dowladda federaalka ka codsaday in ay waqtigaas ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada.

Guddigu wuxuu ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo.

Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal ayaa warkan ku sheegay qoraal uu goordhaweyd soo saaray.

FB_IMG_16366561044758658.jpg?resize=636%

PUNTLAND POST

The post Bilowga iyo dhammaadka doorashada Golaha Shacabka oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this