Sign in to follow this  
Deeq A.

Sicirbarar baahsan oo ka jira Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
  • PhotoCollage_20211111_191758898.jpg?resiGadiidleyda Puntland oo sicirbarar u kordhiyay kirada

Deegaannada Puntland waxaa ka jira sicirbarar baahsan oo aad u sameeyay nolasha bulshada, iyadoo qiimaha wax walba ay kor u kaceen.

Gadiidleyda xumuulka, dhismaha, daabulka iyo tagaasida ee ka shaqeeya deegaannada Puntland ayaa dhammaantood warbaahinta ka sheegay in ay kordhigeen kirada adeegyada ay bulshada u hayaan.

Muuqaal koobaya gaadiidleyda kala duwan ee Puntland

Sidoo kale qiimaha maciishada daruuriga ah iyo adeegyada kale ee bulshada ayaa muddooyinkii dambe kor u kacay deegaannada Puntland.

Sicirbararka Puntland oo muddo ay bulshadu dareemaysay ayaa aad kor ugu kacay markii ay shaqeyn waaday lacagtii Shilinka Soomaaliga, wuxuuna si gaar ah u saameeyay dadka danyarta ah.

PUNTLAND POST

The post Sicirbarar baahsan oo ka jira Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this