Deeq A. Posted November 11, 2021 Gadiidleyda Puntland oo sicirbarar u kordhiyay kirada Deegaannada Puntland waxaa ka jira sicirbarar baahsan oo aad u sameeyay nolasha bulshada, iyadoo qiimaha wax walba ay kor u kaceen. Gadiidleyda xumuulka, dhismaha, daabulka iyo tagaasida ee ka shaqeeya deegaannada Puntland ayaa dhammaantood warbaahinta ka sheegay in ay kordhigeen kirada adeegyada ay bulshada u hayaan. Muuqaal koobaya gaadiidleyda kala duwan ee Puntland Sidoo kale qiimaha maciishada daruuriga ah iyo adeegyada kale ee bulshada ayaa muddooyinkii dambe kor u kacay deegaannada Puntland. Sicirbararka Puntland oo muddo ay bulshadu dareemaysay ayaa aad kor ugu kacay markii ay shaqeyn waaday lacagtii Shilinka Soomaaliga, wuxuuna si gaar ah u saameeyay dadka danyarta ah. PUNTLAND POST The post Sicirbarar baahsan oo ka jira Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites