Deeq A. Posted November 10, 2021 WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 10 /11/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-781/112021 iyo JSL/XM/WM/222-782/112021 uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi;Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay.Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABIDWareegto MadaxweyneMagacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Maxamed Aadan Cumar Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland. UJEEDDO: MAGACAABID WAKIIL Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Kiiniya. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi CabdiMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source Share this post Link to post Share on other sites