Sign in to follow this  
Deeq A.

Jacfar: Maxbuuskii dhaqan-celin kadib ku laabtay Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Jacfar1.png?resize=642%2C501&ssl=1

Jacfar oo ka tirsanaa maxaabiistii Shabaab looga qabtay dagaalkii Suuj iyo Garmaal isago aan weli qaan-gaarin oo ay la wareegtay hay’adda Elman Peace ayaa sannado dhaqan-celin ah kadib ku laabtay Al-Shabaab.

Jacfar oo Puntland mar kale gacanta ku dhigtay ayaa sheegay in uu Al-shabaab ku noqday kadib markii laga fasaxay xarunta dhaqan-celinta hay’adda Elman Peace oo ku taalla Muqdisho loona celiyay Qoyskiisa.

Wareysi looga qaaday barnaamijka AFMEER ayuu ku sheegay in uu Al-shabaab dib ugu biiray markii loo celiyay Qoyskiis oo ku nool Muqdisho islamarkaana uu kayb ka noqday dilal iyo qaraxyo ka dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Cadaadis iyo hanjabaad uga timid Al-shabaab kadib ayuu go’aansaday in uu dib ugu biiro isagoo ka cabsaday in ay dilaan sida uu ku sheegay wareysiga AFMEER.

PUNTLAND POST

The post Jacfar: Maxbuuskii dhaqan-celin kadib ku laabtay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this