Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada HirShabelle ee xubnaha golaha shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa haatan qorsheyneysa inay guda-gasho doorashada Xildhibaanada Golah Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta taalla maamulkaasi.

Diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Shacabka ayaa laga dareemayaa magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo loo qorsheeyey inay ka dhacaan.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay dhaceyso doorashada illaa saddex kursi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo galaya HirShabelle, waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in sadexdaas kursi ay ku tartamayaan xubno saameyn leh.

Sidoo kale guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad goboleed ee HirShabelle ayaa saacadaha soo socda la filayaa inay shaaciyaan habraaca qabashada doorashada Golaha Shacabka iyo sida loo wajahayo kuraasta xildhibaanada ee taalla Jowhar iyo Beledweyne.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana maalmihii u dambeeyey howl-gallo lagu sugayo amniga ay ka socdeen labadaasi magaallo oo la geeyey ciidan dheeraad ah.

HirShabelle ayaa horey u soo gaba-gabeysay doorashadii Aqalka Sare, taas oo laheyd xamaasad gooni ah, maadaama uu tartanka uu ahaa mid daah-furan.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah u bilaabatay, iyada oo lagu horreysiiyey doorashada kuraas ka mid ah gobollada waqooyi oo ka dhacday Muqdisho.

The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada HirShabelle ee xubnaha golaha shacabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this