Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Mindi Ku Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Boolis Faransiis Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cannes)-Nin mindi ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska magaalada Cannes ee koonfurta dalka Faransiiska.

Mid ka mid ah booliska ayaa toogtay ninka weerarka geystay, kaasoo xaalladiisa caafimaad ay aad u liidato, isla-markaana uu haatan ku jiro cisbitaalka.

Saddexda askari ee booliska ah ayaan waxba soo gaadhin. Booliska Faransiiska ayaa baadhaya in ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu u dhashay Algeria uu weerarkiisa la xidhiidho arrimo diimeed iyo in kale.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, Gerald Darmanin oo la hadlayay warfidiyeenka, ayaa sheegay in ninka weerarka geystay ayna ka warqabin mas’uuliyiinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this