Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada Ka Jirta Dalka Itoobiya Iyo Dhexdhexaadin Socota

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ayaa meesha ka saaray warar la isla dhex marayey oo sheegayay inaan lagu soo dhawaynayn Itoobiya si uu u bilaabo dhex dhexaadin dhinacyada isku haya dalka Itoobiya.

“Ma jirto cid diiday dhexdhexaadinteyda,” ayuu Mr Obasanjo u sheegay idaacada BBC Focus on Africa xilli uu kula kulmay dalka Itoobiy labada dhinac ee isku haya.

“Raysal Wasaare Abiy Axmed si wanaagsan ayuu ii soo dhaweeyay, wuxuu igula dhaqmay si xushmad leh.”ayuu sii raaciyay Madaxweynihii hore ee Nigeria.

Axaddii ayuu safar ku tagay caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, Mr Obasanjo wuxuu yidhi:

“Madaxweynaha Tigray wuxuu ii qaabilay qaabkii uu ii qaabili lahaa hoggaamiye Afrikaan ah”

Waxa uu sheegay in xilligan uu isku dayayo in uu ogaado waxa ay yihiin arrimaha muhiimka u ah kooxaha kala duwan ka hor inta uusan ka hadlin mawduuca gorgortanka.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray Getachew Reda ayaa mar sii horreysay soo dhigay sawirka Mr Obansanjo oo uu la socdo hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, isagoo sheegay in wada hadalada ay ahaayeen kuwo midho dhal ah:

Dhinaca kale Hay’adda xuquuqul insaanka Itoobiya ayaa walaac ka muujisay xarigga lagu hayo dadka rayidka ah ee ku sugan qeybo ka mid ah dalkaasi. Guddiga ayaa sheegay in dadka la xidhay ay la xidhiidho xaaladda degdegga ah.

Dad isugu jira waayeel, carruur iyo dad u socday si ay gurmad caafimaad u raadsadaan ayaa ka mid ahaa dadka la xidhay.

Qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda gobolka Tigreega ee ku sugan caasimadda ayaa sheegay in ay booliisku bartilmaameedsanayaan.

Laakiin afhayeenka booliiska ayaa sheegay in dad kasoo jeeda qowmiyado kale sidoo kale loo xidhay falal kala duwan oo sharci darro ah.

Guddiga xuquuqul insaanka ayaa sheegay in dadka Tigreega ah la bartilmaameedsanayo waxayna booliiska ugu baaqeen in ay ixtiraamaan xuquuqul insaanka ayna u ogolaadaan kuwa la xidhay in ay arkaan qoysaskooda.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in qorshahoodu uusan ahayn inay dhiig uu ku daato Addis Ababa.

“Addis Ababa waa dheri. Dad dano kala duwan leh ayaa ku nool Addis. Sheegashada ah in Addis ay isku beddeli doonto meel dhiig ku daato haddii aan soo galno waa mid nacasnimo ah,” ayuu yidhi.

Getachew ayaa intaa ku daray in qabsashada caasimadda “ayna aheyn hadafkooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in TPLF, oo siyaasadda Itoobiya gacanta ku haysay ku dhowaad 30 sanno, ayna damacsaneyn inay xukunka dib u qabsato.

TPLF ayaa xukunka ka tuurtay maamulkii Mengistu Haile Mariam 1991-kii, waxayna Itoobiya xukumeysay illaa 2018-kii markii uu xukunka la wareegay Abiy Ahmed.

TPLF ayaa toddobaadkii tegay sheegtay inay qabsatay laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amhara, waxayna hadda caasimadda usoo jirtaa qiyaastii 325 km.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this