Sign in to follow this  
Deeq A.

Caabuqa Ku Dhaca Mindhicirada iyo Duburta (Ulcerative Colitis)

Recommended Posts

Deeq A.   

Ulcerative colitis: macno ahaan xanuunkani waa caabuq ku dhaca mindhicirada, kaas oo ku soo ifbaxa wakhti dheer. Xanuunkani wax uu ku dhacaa mindhicirada weyn(large intestine). Waana meel lagu ururiyo hadhaaga dheefshiidka, ugu danbayntana biyaha laga ga saaro. Rectum-kuna waa qaaybta xidhiidhisa duburta iyo mindhicirada weyn. Sidaas oo ay tahay qofka ka cabaanaya xanuunkan ulcerative colitis, waxa uu dareemaa calool xanuun, shuban iyo duburta oo dhiigta. Iyada oo ay ku xidhantahay kolba heerka uu taaganyahay xanuunku, iyo sida uu ku yahay qofka. Intabadana xanuunkani waxa uu ku koobanyahay rectum-ka oo la jaar ah duburta.

Maxaa keena?

Aad looma yaqaano waxa saxda ah ee keena xanuunkan, laakiin xeel-dheerayaasha caafimadku waxay aaminsanyihiin in habka difaaca jidhku kaalin weyn ka qaato inuu xanuunkani yimaado. Taas oo imaanaysa marka jidhku uu hawlgeliyo unugyadiisa difaaca inuu isaga is duqeeyo. Waxaana la’aaminsayhay in xanuunkani yahay mid la kale dhaxlo oo ku yimaada hidda=sidayasha ka soo gudba hooyada iyo aabaha.

 

 

Sadam Mohamed

kaabash99@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this