Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku Dhawaad 70 Qof Oo Lagu Dilay Xadka Dalka Niger Uu La Wadaago Burkino Faso iyo Mali.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Niger ayaa ku dhawaaqday laba maalin oo baroordiiq qaran ah kadib markii kooxa aan la aqoon haybtooda 69 qof oo uu ku jiro duqa magaalo ku taalla koonfur galbeed dalka Niger lagu dilay weerar maalmihii khamiista iyo Jimcaha.

Weerarka ayaa ka dhacay dalka kala qeybiya dalalka Mali, Burkino Faso iyo Niger waana goob ay inta badan weeraro ka geeystaan kooxo hubeysan.

Kooxda weerarka fulisay ayaa markii hore weerar ku qaaday wafdi uu hoggaaminayo duqa magaalada Banibangou, taas oo lagu dilay isaga, ilaaladiisa iyo wafdigii la socday.

Tan iyo bilawgii sanadkaan xadka kala qeybiya seddaxda dal ee Burkino Faso, Mali iyo Niger ayaa kooxaha hubeysan weeraro ay ka geysteen waxa ay ku dileen in kabadan 530 qof.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this