Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo ka hadashay heshiiska Farmaajo iyo Rooble iyo dib u dhaca…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa walaac looga muujiyey dib u dhaca doorashooyinka dalka, waxaana madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada loogu baaqay inay deg deg ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay, inta aan la gaarin dhamaadka sanadkaan 2021-ka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa ugu baaqday maamulka Galmudug in labada kursi ee Aqalka Sare uu deg deg u soo doorto, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay sidoo kale sheegeen in si dhaw ay ula socdaan heshiiska madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka Beesha Caalamka oo dhameystiran:

Saaxiibada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya. Inkastoo billowga dhowaan la billaabay doorashada Golaha Shacabka ay ahayd horumar wanaagsan, ayaa haddana jadwalka doorashada wuxuu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo.

Waxaan ku boorrinaynaa madaxda heer qaran iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha daadihiya doorashada inay si dhakhso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay laguna kalsoonaan karo ee Golaha Shacabka ka-hor dhamaadka 2021-ka, iyadoo la ixtiraamayo qoondada haweenka ee ugu yaraan 30 boqolkiiiba.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa maamulka Galmudug in uu soo doorto labada kursi ee harsan si loo dhameystiro geedi-socodka doorashada Aqalka Sare.

Saaxiibada caalamku waxay ogsoonyihiin ku-dhowaaqistii dhowaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku baaqayaan in si buuxdo oo dhakhso ah loo fuliyo heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020kii iyo 27kii Maajo 2021ka.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Sacuudiga, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

The post Beesha Caalamka oo ka hadashay heshiiska Farmaajo iyo Rooble iyo dib u dhaca… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this