Sign in to follow this  
Deeq A.

Garabkii Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Hogaaminayay Ee Kaadirka Iyo Wasiirradii Hore Ee Xisbiga KULMIYE Oo Kulan Kale Yeeshay 

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Garabkii uu hogaaminayay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee xisbiga KULMIYE, ayna ka mid ahaayeen Wasiirradii, Safiirradii, Badhasabbadii iyo kaadirkii xisbiga KULMIYE ayaa shalay mar kale Hargeysa ku yeeshay kulan ballaadhan oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xaaladda xisbigoodii KULMIYE iyo ugu dambayn halka ay u jihaysan doonaan ee ay cududdooda siyaasadeed ku biirin doonaan.

Garabkan Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Hogaamiyo ee u badnaa Madaxdii xisbiga KULMIYE iyo wasiirradii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo muddoba Hargeysa iyo Gobolada dalka ay uga socdeen kulamo xidhiidh ahi ayaa shalay Hargeysa ku qabsaday kulan ballaadhan oo ay kaga arrinsadeen go’aamada ugu dambeeya ee ay ka qaadan doonaan itijaahooda siyaasiga ah iyo halka ay salka dhigan doonaan saacadaha soo socda kadib markii sida ay sheegeen ay ka caal waayeen in xisbigii KULMIYE ku soo laabto dhabbihii uu ku hanan lahaa mar saddexaad talada dalka sida ay ku doodeenna ay qabaan saluug weyn oo ku aaddan hannaanka hogaamineed, geeddi socodkiisa iyo xaalada uu wakhtigan ku sugan yahay oo ay ka dayriyeen sida ay doodda u dhigayaan.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulankii ugu dambeeyey ee ay shalay Hargeysa ku yeesheen garabkani ayaa lagu naaqishay sidii ay u qaadan lahaayeen mawaaqif kaam dambays ah oo ay ka qaataan xaaladdooda siyaasi iyada oo xogaha kulamadaasi ka ag dhawi wargeyska Foore u xaqiijiyeen in ay mabda’ ahaan isla qaateen in ay hal xisbi isugu biyo shubtaan kaasi oo ah xisbiga WADDANI balse aanay wali xisbigaasi la gaadhin wax heshiis ah oo qodobaysan maalmaha soo socdana ay la saxeexan doonaan heshiis kama dambays ah oo ay xisbiga ku dhisaan.

Ilahan xog-ogaalka ahi waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in la filayo ka hor inta aanu xisbiga WADDANI qabsan shirweynihiisa 2aad oo ku beegan badhtamaha Bishan November in ay labada dhinac isla gaadhi doonaan heshiis kama dambays ah oo lagu soo afjaro wada hadalladii muddoda u socday labada dhinac. Kaasi oo guddo labada dhinac ka kooban loo saari doono qabyo tirka heshiiska garabkani kula midoobi doono xisbiga WADDANI.

Kulamadan ayaa ku soo beegmaya kadib markii maalmo uun ka hor xisbiga KULMIYE si rasmi ah shaaca uga qaaday in ay xisbiga ka saareen siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa siyaasiyiintii dhidibada u taagay xisbiga KULMIYE, muddooyinkii ugu dambeeyeyna khilaaf weyn soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasiyiinta garabkan ka tirsan ee shalay kulmay waxa ka mid ahaa Wasiirradii xukuumaddii Siilaanyo sida Qabo, Cukuse, Cali Siciid Raygal, Cabdillaahi Dheere iyo rag kale oo badan. Waxaana la filayaa in ay maalmaha soo socda si rasmi ah shaaca uga qaadaan heshiiska ay kula midoobi doonaan dhawaan  xisbiga Mucaaridka Somaliland ee  WADDANI ka hor inta aan la gaadhin shirweynihiisa 2aad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this