Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad colaadeed oo ka taagan magaalada Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baraawe oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose, waxa weli ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay doorashada golaha degaanka degmadaas.

Baraawe waxa shalay ka dhacay dagaal sababay khasaare kala duwan, oo salka ku haya xiisadda colaadeed ee ka dhalatay muranka golaha degaanka ee loo dhisay magaalada.

Dadaalo lagu xallinayo xiisadda ayaa ka socda gudaha Baraawe, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu kulamo la qaadanayo odayaasha dhaqanka iyo bulshada degmadaas.

Baraawe ayaa kamid ah magaalooyinka loo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Xiisad colaadeed oo ka taagan magaalada Baraawe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this