Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Itoobiy+TPLF  & OLF-Shane oo sameystay taxaluf cusub,Kuna dhawaaqay Arrin xasaasiya

Recommended Posts

Deeq A.   

TPLF  & OLF-Shane oo sameystay taxaluf cusub

 amharic.jpg
Dagaalada Itoobiya

Jabhadda Shene OLF iyo TPLF, ayaa sameystay isbaheysi cusub, taasoo noqoneysa awood ballaadhan oo mucaarad ah, oo halis galin karaya caasimadda Addis Ababa iyo dowladda Itoobiyaba.

Shaley, labadda kooxood ayaa ku dhawaaqey iney isku dareen dagaal yahanadooda, si ay ula dagaalamaan ciidamada dowladda Itoobiya.

TPLF iyo OLF-Shene, ayaa dowladda Itoobiya ku dartey liiska argagaxisada bishii May ee ina dhaaftey.

Warkii ugu horeeyey ee la xidhiidha isbaheysiga ay yeelanayaan labadan kooxood, ayaa soo baxey bishii August ee ina dhaaftey.

War ku qornaa afka Amxaariga, ee ay soo galiyeen TPLF bog Facebook-ga ay ku leeyihiin oo huban, kaasoo laga soo xigtey hoggaamiye Debretsiyon GebreMaykal, ayaanan lagu carababin dagaaladii ugu danbeeyey ee kooxda, iyo qorsheyaasheeda fog.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in wadiiqada kaliya ee u furan TPLF mustaqbalka ay tahay burburinta, waa sida qoraalka lagu muujiyee, kooxda Faashistaha, oo ay ula jeedaan hoggaanka dowladda dhexe ee Itoobiya, si ay ugga gun gaadhaan himilooyinkooda fog fog.

Afhayeenka TPLF, Getajew Reda, ayaa sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, ka gaabsadey iney ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Inkastoo warar kal hore soo baxey, ay muujinayeen in kooxda TPLF ay doonayaan iney galaan magaalada caasimadda ee Addis Ababa.

Mucaaradka kusoo siqaya caasimadda, ayaa ku qasbay ra’iisal wasaare Abiye Axmed, inuu dadweynaha ka dalbado iney hubka qaataan, iyadoo xaalad degdeg ah lagu soo rogey ismaamulka Amxaarada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this