Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan Puntland oo gadood ka sameeyay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo sida ay sheegeen ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa maanta jidgooyo dhigtay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ah ayaa xannibay isu-socodka laamiga dheer ee u dhexeeya caasimadda Garoowe iyo xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

Gaadiid badan ayaa weli ku xanniban laamiga waxaana socda wada-hadal lagu xallinayo gadoodka ciidankaas.

Dhinaca kale Saraakiisha ugu sarraysay ciidamada Daraawiishta Puntland ayaan weli ka hadlin arrinta ku saabsan gadoodka ciidanka.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo ka tirsan Puntland oo gadood ka sameeyay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this