Sign in to follow this  
Deeq A.

Murashax Xirsi oo shaaciyey inaan Jaahilnimo waxba lagu bedelin

Recommended Posts

Deeq A.   
“Intiinna is leh mashquul baad tahay, markii aan ugu mashquulka badnaa waxbarashada waan waday, maantana laba Jaamacadood ayaan wadaa.”
 xirsis-e1635826487969.jpg
Waxa qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani
“Waxaa farxad weyn ii ahayd inaan maanta ku hadlo afka ardayda Jaamacadda Beder ka qalinjebinaysa. Waxaan mahad ballaadhan u soo jeedinayaa maamulka Jaamacadda iyo Macalimiintii wax na soo baray. Abaal ayaan idiin haynaa dhammaantiin.
Fursadaha noloshu mar walba way taagan yihiin, adiga ayaana garanaya ama garanwaayaya, dadka guulaystayna waa kuwa ka faa’iidaystay fursadihii nolosha.
Guud ahaa, aqoonta iyo cilmigu waa shayga dadka iyo dunida isdhaafiyay. Jaahilnimo waxba laguma beddelo, Jahligu wax uu xumeeyo mooyaane waxba ma hagaajiyo.
Wakhtigii aan Wasiirka ahaa oo aan waxbarasho Online ah waday ayaa dadka qaarkood ila yaabbaneeyeen, hadda qudheedana kuwo kale ayaa I lahaa “Waxbarashada ayaad ku mashquushaye maad Siyaasadda ku mashquushid” Balse labadaba waan isku waday, inaad waxbarato oo aqoon kasbato qudheeda ayaa Siyaasad ah.
Ugu dambayn, aad ayaan u bogaadinayaa una hambalyaynayaa Maamulka, Macallimiinta, waalidka iyo Ardayda.
Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Xisbigayga oo waxbarashada igula dedaalayay wax dhib ahna aanan kala kulmin intii aan wax baranayay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this