Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Mareykanka ka yiri doorashooyinka Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay siihayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Marwo Colleen Crenwelge.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, si la mid ah horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka oo shalay si rasmi ah u bilaabatay iyo u sii diyaar garowga mida madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysa.

Mareykanka ayaa boggaadiyey qaabka ay haatan wax u wado xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku dadaalaya doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa intii uu socday kulanka la iskula eegay xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida iyo tan gobolka intaba.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyada oo la guda-galay mida Golaha Shacabka oo ka dhaceysa dhowr magaallo oo ku yaalla gudaha dalka.

Si kastaba Mareykanka wuxuu ka mid yahay dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna si aad ah ula socdaa xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

249724318_3083034948608713_4923810980347 250988808_3083062301939311_4883357798263 251425081_3083035005275374_2214843972181 251961459_3083035348608673_8367609703208

The post Muxuu Mareykanka ka yiri doorashooyinka Somalia? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this