Sign in to follow this  
Deeq A.

Xil ka Qaadis Su’aalo Badan Dhalisay

Recommended Posts

Deeq A.   

PhotoCollage_20211102_020450212.jpg?resiMadaxweyne Deni (bidix) wuxuu si lama-filaan ah xilka uga qaaday Sarreeye Guuto Cabdi Xasan, taliyihii Ciidanka Boolkiska ee Puntland.

Faallo (PP) — Go’aanka xilka uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kaga qaaday taliyihii Ciidanka Booliska ee Puntland Sarreeye Guuto Cabdi Xasan waa mid ku soo beegantay xilli taliyuhu ku jiray hawlo la xiriira u diyaargarowga doorashooyinka.

Sarreeye Guuto Cabdi Xasan wuxuu ka mid yahay guddiga heer qaran ee u xilsaaran amniga doorashooyinka. Wuxuu la booqday guddoomiyaha guddiga doorashooyika heer federal Mudane Cirro goobaha Puntland u astaysay in ay ka dhacaan doorashooyinka Aqalka Hoose.

Waqtiga lagu jiro awgeed looma baahnayn in Sarreeye Guuto Cabdi Xasan xilka laga qaado. Mid fudud ma aha in taliye cusubi la qabsado kaalin ku yeelashada la shaqaynta guddiga u xilsaaran nabadgelyada doorashooyinka.

Waxaa xusid mudan in Booliska Puntland uu dhexdhexaad ka ahaa qabsoomidda doorashooyinkii tijaabada ahaa, waa mid muujinaysa sida Ciidanka Boolisku isaga dhowray inuu noqdo midiidin siyaasadeed xilli Puntland tijaabinaysay geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo soo raagay.

Ma jirin wax ismaandhaaf oo dhexmaray dowladda Puntland iyo taliyaha xilka laga qaaday. Sidoo kale ma jirin eedeyn loo soo jeediyay hoggaamintiisa. Waxa kaliya oo hadda la isweyddiinayaa waa in Madaxweyne Deni go’aankiisu saameyn doono habsami u socodkii qorshayaasha amniga doorashada Aqalka Hoose.

© Puntland Post, 2021

The post Xil ka Qaadis Su’aalo Badan Dhalisay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this