Deeq A. Posted October 28, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa si rasmi ah ugu jawaabay hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhowaan ku eedeeyey inay ka qeyb-qaateen dagaalladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. AMISOM ayaa marka hore waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeynta kasoo yeertay Ahlu Sunna Waljamaaca, iyada oo beenisay in ciidamadeeda ay ka dagaalameen Guriceel. Sidoo kale AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka eedeyntaas ay tahay mid lagu doonayo in la’isaga horkeeno ciidamada AMISOM iyo bulshada Soomaaliyeed “Howlgalada AMISOM oo ay ku jiraan hawlgalada Milatari iyo taageerada Ciidanka dowladda, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgalada iyo Xeerarka Hawlgelinta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto kaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo inay caawiyaan ciidanka dowladda. Ugu dambeyn taliska AMISOM ayaa xusay inay xoojin doonaan waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay ka shaqeynayaan ammaanka Dhuusamareeb & doorashada ka dhaceysa. Hadalkan ka soo yeeray AMISOM ayaa kus oo aadaya, iyada Ahlu Sunna oo haatan isaga baxday Guriceel ay ku eedeysay ciidamada Midowga Afrika inay taagaareen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda, isla-markaana ay siiyeen hub fara badan iyo gaadiid dagaal. The post AMISOM oo jawaab ka bixisay eedeyntii Ahlu Sunna appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites