Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo si adag u beenisay eedaynta Ahlusunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaynta ka timid Ahlusunna, oo ku saabsan in ciidamada AMISOM ku jireen dagaalkii Guriceel.

War ka soo baxay Taliska AMISOM, ayaa lagu sheegay in aysan sal iyo raad lahayn eedaynta Ahlusunna, islamarkaana aysan ciidamada AMISOM marna qayb ka noqon dagaalkii Guriceel ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Ahlusunna.

Waxba kama jiraan eedaynta ku saabsan in Ciidamadeennu ka qayb-qaateen dagaalkii Guriceel ee Ciidamada dowladda iyo Ahlusuna” ayaa lagu yiri warkaas.

Sidoo kale, AMISOM waxay sheegtay in ay Soomaaliya u joogaan la-dagaallanka Al-shabaab iyo Daacish, si ay gacan u siiyaan ciidamada Soomaaliya.

AMISOM, waxay doonaysaa in ay si cad u sheegto in ciidamadeedu ay u joogaan Soomaaliya si ay ula dagaallamaan  Al-Shabaab, Isis iyo kuwa raacsan

PUNTLAND POST

The post AMISOM oo si adag u beenisay eedaynta Ahlusunna appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this