Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaarihii Sudan Oo Xabsiga Laga Siidaayey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)- Abdalla Hamdok, raysal wasaarihii xilka laga tuuray ee Suudaan, ayaa loo ogolaaday in uu dib ugu laabto gurigiisa, sida laga soo xigtay xafiiskiisa, maalin kaddib markii millatariga dalkaas ay xidheen kaddib markii ay xukunka kula wareegeen afgambi.

Siideynta Hamdok iyo xaaskiisa salaasadii ayaa daba socotay cambaareyn caalami ah oo loo jeediyay General Abdel Fattah al-Burhan inqilaabkii uu xukunka kula wareegay.

Mareykanka ayaa sheegay in uu joojin doono gargaarka, halka Midowga Yurub uu ku hanjabay in uu sidaas oo kale sameyn doono.

Antonio Guterres, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo Hamdok, isagoo ku booriyay Beesha Caalamka inay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen waxa uu ugu yeeray “afgambiga ka dhacay Sudan.”

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Hamdok ayaa lagu sheegay in raysal wasaaraha xilka laga tuuray iyo xaaskiisa gurigooda Khartoum la dul dhigay ciidamo badan, Waxaa iyagu weli xabsiga ku jira saraakiil kale oo rayid ah oo la xiray maalintii afgambiga, kuwaasi oo aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this