Deeq A. Posted October 27, 2021 Dumarka uurka leh, uur kale ma yeelan karaan? Inkastoo ay aad u yar tahay in haweenay ay hal mar labo uur yeelato isku mar, amaba ay uur qaaddo iyadoo uur kale leh, ayaa khubarradu waxay sheegayaan saddex arrimood oo bayolojiga la xiriira oo adkeyneysa inay taasi dhacdo. Sida laga soo xigtay barta healthline.com waxaa jira saddex waxyaabood oo ku dhaca jirka haweeneyda marka ay uur qaaddo, waa waxyaabo ka hortagaya inaysan uur kale qaadin sagaalka bilood ee kale. Ugu horreyn, ukumo ma beermaan. Caadi ahaan haweeneydu waxay u baahan tahay ukun caafimaad qabta si ay uur u qaaddo. Marka ukunta ugu horreysa uu jirku soo saaro lana bacrimiyo laguna beero minka, hoormoonnada taranka amaba uurka ayaa bixiya astaan muujineysa inaan xilligan loo baahneyn ukumo kale. Haddii ay haweeneydu uur yeelato, minku ma qaabilayo ukumo kale. Tan labaad, marka laga hadlayo makaanka ama minka, way adag tahay in ukun kale la bacrimiyo haddii tii koowaad la bacrimiyo oo ay gudaha ku beermato. Tan saddexaad, inta ay haweeneydu uurka leedahay, waxaa jira wax lagu magacaabo ‘dareere is jiid jiidaya’, oo ah mid ka beermay hannaanka taranka, oo shaqadiisu aysan keliya ahayn inuu minka ka difaaco caabuq balse sidoo kale ka hortagaya inay manidu gudaha gasho. Sababahan oo jira awgood, ayay khubarradu la yaabban yihiin sida ay suurtogal u noqon karto. Sidee ayay suurtogal u tahay in haweeney uur leh ay mid kale qaaddo? Waxaa laga yaabaa in wax aan dhici karin ay noqoto marka xaaladaha kore la eego. Balse waa suurtogal in haweeney ay labo uur isku mar qaaddo. Inkastoo ay dhif tahay inay dhacdo haddana waxay ku dhacdaa xaalad lagu magacaabo superfetation “ Haddii loo dhigo si la fahmi karo, aan dhanho haweeney ayaa uur mataano ah qaadday, balse waxay u qaadday qaabab kala duwan iyo waqtiyo kala duwan, waxayna mataanuhu dhashaan xilliyo kala duwan oo ma aha waqtiga yar ee ay sida caadiga ah kala dambeeyaan mataanaha. Uuruka haweeney ay ilmuhu muuqdaan inay siyaabo badan ku kala duwan yihiin, sida dhererka Inkastoo uu farqi u dhaxeeyo in la bacrimiyo ukun goor hore la sii bacrimiyay amaba ilmo kale lagu beero uurka haweeneyda. Taasi waa in hal waqti manida lagu bacrimiyo labo ukun iyadoo la adeegsanayo habka ‘superfecundation’, markaas haweeneydu waxay dhaleysaa mataano. Haddii labo ukun lagu bacrimiyo manida muddo 24 saac gudahood ah, haweeneyda waxaa laga yaabaa inay dhasho mataano kala aabbe ah. Balse waxa aan ka hadleyno waa haweeney uur leh oo qaadday mid kale, taasi micnaheedu waa inay leedahay labo uur, ilmo walbana si u goonni ah ayuu ugu dhex korayaa minka, waxay yeelanayaan labo nooc oo kala duwan oo dhiig ah, iyo waxyaabo kale oo ay ku kala duwanaan karaan. . Sheekooyinka haweenka caalamka ee labo uur hal mar wada qaaday Ilaa iyo haatan waxaa dunida laga soo weriyay 10 kiis oo haween hal mar labo uur qaaday, inkastoo la sheegay inay jiraan kiisas kale oo badan oo aan la diwaan gelin. Dhowaan dalka Australia waxay arrintan ku dhacday Kate Hill, muddo 10 maalmood gudahood labo uur ku qaadday. Waxay dhashay labo gabdhood oo lagu kala magacaabo, Charlotte iyo Olivia, oo mataano ahaa, inkastoo ay 10 maalmood keliya noolaayeen. Labadooduba hal maalin bey wada dhasheen, balse nooca dhiiggoodu wuu kala duwanaa. Dad badan ayay la yaab ku tahay, balse inta badan ma dhacdo, in haweeney ay labo uur mar wada yeelato Baayoloji ahaan, haddii aysan arrintan dhicin, hoormoonnada uurka ayaa caadi ahaan hannaanka haweeneyda uurka leh ka difaaca inuu ukumo soo saaro inta ay uurka leedahay. ‘Taasina waa sababta ay wax lala yaabo u tahay uur uur kale dul saaran’, ayuu yiri Connie Hedmark oo ka tirsan isbitaalka Michigan. Cidna ma oga xaqiiqdii sababta ay arrintan u dhacdo, balse sida laga soo xigtay Karen Boyle, oo ku takhasustay xanuunnada haweenka, uurku wuxuu abuurmaa marka uu dib u dhca ku yimaado beermidda ugu horreysa ee ilmuhu ku beermayaan unugyada jilicsan, taas oo ka hortageysa in heerarka hoormoonku uu kordho. Soo daahidda abuurmidda ilmaha ayaa la sheegay inay badanaa ku dhacdo doolliga iyo xayawaanno kale (inkastoo aan si fiican loo baarin, sida laga soo xigtay barta babycenter network). Xayawaannadu waxay inta badan dhalaan mataano waxaana u badan doolliga, bakeylaha iyo idaha, iyo sidoo kale kaluunka iyo xayawaanno kale. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites