Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiyada Mideeye iyo Caddaaladda iyo Sinnaanta Oo Ku Dhawaaqay Isbiheysi Ka Dhan Ah KAAH

Recommended Posts

Deeq A.   

Urursiyaasadeedka Mideeye ayaa lagu soo waramaya in isbaheysi cusub uu la sameystay dhiggiisa urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Sinnaanta.

Labada urur oo natiijooyin sare ka keenay doorashadii ka dhacday degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho ayaa kadib kulan ay hoggaankooda saacado badan lahaayeen waxa ay sameeysteen Isbiheysi cusub kaas oo ay sheegeen in ay doonayaan in ay ku soo dhisaan golayaasha deegaanka degmooyinkaas.

Mideeye iyo ururka Caddaaladda iyo Sinnaanta, oo labada urur ee natiijada doorashada Puntland ka dhacday ku soo xiga urur siyaasadeedka KAAH ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa qoraal ay soo saareen ku cadeeyay in ay kadib markii ay arkeen baahida loo qabo isbiheysi siyaasadeed ay ku dhawaaqeen isbiheeysigooda.

Labada xisbi ayaa sidoo kale xisbiyada kale ee mucaaradka ugu baaqay in ay ku soo biiraan isbiheeysigooda cusub.

Xisbiyada Mideeye iyo Caddaaladda iyo Sinnaanta ayaa la sheega in ay xiriir dhaw la leeyihiin madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee DF Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Goobjoog News

249197660_5141676272513744_2998057735366

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this