Sign in to follow this  
Deeq A.

MEYDAD horleh oo lagu arkay xaafadaha Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (SMN) – Xaaladda magaalada Guriceel ayaa saaka deggan, waxaana si buuxda ula wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Ahlu Sunna oo maalmihii ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa isla markii howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyey gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in xaafadaha qaar lagu arkay meydad horleh oo ka mid ah dadkii ku dhintay dagaalladii ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale waxaa xaafadaha qaar lagu arkay qabuuro cusub oo lagu aasay meydad kale oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday intii ay dagaalladu socdeen.

Saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna ayaa laga soo xigtay in ay shegeen in wadahadal ay gar wadeen ka yihiin Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid ay Guriceel uga baxeen.

Si kastaba, xoogaga Ahlu Sunna ay haatan gaareen deegaanka Godwiil oo dhaca dhanka waqooyi degmada Guriceel.

Guriceel waa magaallo ganacsi oo ballaaran, hayeeshee waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay u xudun u noqotay xiisadda u dhexeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

The post MEYDAD horleh oo lagu arkay xaafadaha Guriceel appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this