Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF Soomaaliya oo diyaarado sida gargaar u dirtay Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta diyaarado sida gargaar u dirtay Galmudug, gaar ahaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo badi ka barakaceen qoysaskii deganaa, kadib dagaallo 4 maalin socday oo ka dhacay halkaasi.

Gargaarkan oo loogu tala-galay qoysaska barakacay ayaa isugu jira teendhooyin, mara-kaneecooyin iyo agab caafimaad, sida ay shaacisay wasiirka gargaarka Khadiijo Diiriye.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in gargaarkaasi la gaarsiin illaa kun qoys oo ka mid ah kuwa haatan ugu daran ee ku dhibaateysan deegaanada Galmudug.

“Waxaan agab gargaar gaarsiineynaa Galmudug kaas oo loogu talogalay 1,000 qoys, gargaarkaasi waxa uu ka kooban yahay Teendhooyin, Mara-kaneecooyin iyo Agab-Caafimaad,” ayey ku tiri war qoraal ah oo ay soo saartay wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay  “Maanta labbo dulimaad ayaa u baxeyso Galmudug iyadoo maanta iyo berri ay qaadi doonaan diyaaraddaha WFP, haddii uu Alle idmo,”.

Diyaaradaha gargaarka sida ee ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa ka dambeeyey, kadib markii shalay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayey xaaladda Guriceel uu dalbaday in loogu gurmado qoysaskii ka barakacay magaaladaasi.

Xaaladda Guriceel ayaa maanta deggan, waxaana ka baxay xoogaga Ahlu Sunna, iyada oo ay si buuxdana ula wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

248946227_3158972937718210_5509753905658 247328729_3158972817718222_5579359013431 248038938_3158972654384905_8176503581887 248309994_3158972804384890_8671371783048 248447542_3158972787718225_7999746990055

The post Sawirro: DF Soomaaliya oo diyaarado sida gargaar u dirtay Guriceel appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this