Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal culus ayaa xalay Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Sida wararku sheegayaan, Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerartay saldhiga ciidamada dowladda Federaalka ee degmada Afgooye, waxaana halkaas ka dhacay dagaalka labada dhinac.

Xog dhammaystiran weli lagama soo werin khasaaraha ka dhashay dagaalka Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda ku dhexmaray degmada Afgooye.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa qortay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay weerarka halka laba kalena ku dhaawacmeen, balse dowladdu dhankeeda weli kama hadal.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo ka dhacay degmada Afgooye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this