Deeq A. Posted October 26, 2021 Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan waddanka Suudan. Xoghayaha ayaa si kulul u cambaareeyay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo dowladda KMG ah ee Suudaan, waxa uuna ku booriyay dhamaan dhinacyada inay dulqaad muujiyaan. Wuxuu ku baaqay in si dhaqsi ah loo sii daayo Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk, iyo dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasadda u xiran. PUNTLAND POST The post Urur Goboleedka IGAD oo war ka soo saaray xaaladda Suudaan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites