Sign in to follow this  
Deeq A.

“Baahi Iyo Bukaan Uma Tihiin Qabyaalada Dhalinyaro, Mana Gaydaan In Laydiin Kala Abtiriyo Oo Dano Han Hoose Ah La Idiin Addeegsado…” Baashe Cawil

Recommended Posts

Deeq A.   

Dardaaran Ku Socda Dhalinyaradda

Farxad bay ii tahay inaan qormadan kooban si gaar ah ugu hibbeeyo Dhalinyaradda Reer Somaliland.


Ugu horreyntii dhalinyaradu waa hormuudka ama hoggaanka dal ama umadd, waana tiirka ay leedahay umaddaasi. Dhallinyaro waxaad tihiin jiilka iyo xooga dalkeenu leeyahay, awoodna u leh inay hormarkasta gaadhsiiyaan.

Duruufaha jira ee qabyaaladu ka kaw tahay waxay wiiqday awoodii aad kaalin muuqata kaga dhex muuqan lahaydeen dhinacyada Hal-abuurka Ganacsiga, Waxbarashada, iyo Hoggaanka Dalka, balse maaha dhib iyo dhaxal aad ka tagteen ama aad bilawdeen, ee waa arrin soo jireen ah oo jiil ba jiil ka dhaxlay.

Baahi iyo bukaan uma tihiin qabyaalada dhalinyaro, mana gaydaan in laydiin kala abtiriyo oo dano han hoose ah la idiin addeegsado, waxaad dhalinyaro wax ku tihiin waa isku duubni, iyo aragti mid ah oo aad ku waajahdaan mawjadaha qabyaalada ee dalkeena abaabulkeedu aad uga socdo ama looga darreemayo.

Guud ahaan dhalinyarada waxaan kula dardaarmayaa inay u jiheeyaan yoolkooda sidii Mustaqbal san adduun iyo aakhiro ba ay u heli lahaayeen, uga na fogaan lahaayeen aafada qabyaalada ee curyaamisay horumarkii bulsho iyo dal ee aynu ku talaabsan lahayn.

Nabaadiino.
Bashe Awil Haji Omar

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this