Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Britain Oo Shaacisay Magaca Ninka Soomaaliga Oo Loo Haysto Dilka Xildhibaan British Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Wararka ka imanaya dalka Britain ayaa sheegaya in lag dhawaaqay Booliska dalka Britain ay ku dhawaaqeen magaca ninka asalkiisu yahay oo haysta dhalashada British ee dilay xildhibaan David Amessan oo ka tirsanaa baarlamaanka Britain.

Ninka loo haysto dilka xildhibaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali,oo aan hore loogu tuhunsanayn in uu kamid yahay dadka ay hay’adaha sirdoonka Ingiriiska ku tuhunsanayeen argagaxiso.

Cali Xarbi Cali-oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska , balse asal ahaan Soomaali ah ayaa lagu xidhay goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka.

Booliiska Britain ayaa ku tilmaamay falka dilka xildhibaanka inuu yahay mid argagaxiso.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan loo haysto dilka Xildhibaanka la soo taagi doono maxkamad maalinta salaasada iyadoo sidoo kalana haatan su’aalo la weydiinayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this